Wasiirka amniga soomliya ayaa sheegey inay howlgalo ka dhan ah kooxda shabaab ka bilaabayaan xeebaha galmudug.

Dowladda Somaliya ayaa waxay u muuqataa mid dardar-gelineysa gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab, iyadoo qaybo ka mid ah gobolada dalka diyaargarow laga dareemayo.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan howlgalo laga bilaabi doono deegaanada Xeebaha Galmudug, halkaasoo laga saari doono Shabaabka ku sugan.

Wasiirka oo Saraakiisha Ciidamada Galmudug kula kulmay Xerada 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku bogaadiyay inay qaadaan gulufka Shabaabka saarayo Xeebaha Galmudug.

Wasiir Islow ayaa xusay inay tani ka qayb qaadan doonto in la hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay qaybta ka tahay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Dowladda Qatar ayaa Isniintii Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday mashruuc ballaarin oo lagu horumarinayo dhismaha Dekeda Hobyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*