Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay u qaabilsanaha arrimaha Ciidamada Pakistan ee Somaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Korneyl Eljal Abbasl u qaabilsanaha arimaha Ciidamada Dowladda Pakistan u joogga Somaliya.

Dowladda Pakistan ayaa waxay gacan ka gaysataa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo qalabayntooda.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii Dowladda Pakistan ay u dardar-gelin laheyd doorkeeda ku aadan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo qalabayntooda. General Indha-qarshe ayaa Xukuumadda Islamabad kaga mahadceliyay taageerada ay siiso Somaliya.

Korneyl Eljal Abbasl ayaa dhinaciisa sheegay in Pakistan ay sii wadi doonto tababarada iyo qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed iyo Taliye-yaasha Ciidamada Cirka & Badda ayaa goobjoog ka ahaa kulankan oo Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay diyaargarow ugu jiraan guluf ka dhan ah deegaanada uu ka arrimiyo Ururka Al Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*