Ciidanka xoogga oo guulo waaweyn ka soo hooyey gobolka shabeelaha hoose dileyna 4 ka mid ah kooxda shabaab.

Waxaa weli Gobolka Shabellaha Hoose ka soconaya gulufka ciidan ee ay ka wadaan Ciidanka Xoogga Dalka, kuna wajahan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gelinkii dambe ee Sabtidii howlgal ka sameeyay deegaanka Saniini ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay ku dileen afar ka mid ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Gaashaanle Aadan Axmed Cali, Abaanduulaha Guutada 1aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay howlgalka oo ahaa mid ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka inay ku dileen afar ka mid ah dagaal-yahanada Al Shabaab.

Abaanduulaha oo la hadlay Radio SNA ayaa tilmaamay inay helleen xogta raggaasi, ka dibna ay ku baxeen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay Gobolka Shabellaha Hoose ka waday howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*