Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo.

Ciidamada Qalabka sida ayaa gobolka Gedo ka wada howlgallo maleeshiyada Al-shabaab looga sifeynayo deegaanno si dhuumaaleysi ah ay uga fuliyaan falal cabsigelin ah .

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay warbaahinta Qaranka  ayaa sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen tuulooyin dadka rayidka ah ay ku dhibaateyn jireen kooxaha argagaxisada,waxaana ka mid ah tuulooyinka Cabdi afeey iyo Baar-macallin oo hoos yimaada degmada Baardheere.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamada ay la wareegeen shidaal iyo agab kale oo kooxaha argagaxisadu ay ka cararareen,wuxuuna intaa raciyay in meel walboo ay galaan kooxahaasi looga daba tegi doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*