Raisul wasaare kheyre:Dhisadda maamulka galmud waxay xal u horseedi doontaa in laga adkaado kooxaha nabad diika.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa maanta sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka khawaarijta looga xoreynayo goobaha ay kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta salaaddii Jimcaha kula dukaday masjidka Ragaya boqollaal qof oo reer Dhuusamareeb ah ayaa hadal uu ka jeeiyay ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamay khawaarijta Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo sidii dalka oo idil looga ciribtiri lahaa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*