Raisul wasaaraha dalka ethobia ayaa xaqiijiyey in la toogtey taliyihii ciidamada difaaca itoobiya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay iyadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.

Mr Abiy oo telefishinka ka soo muuqday asagoo qaba dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.

Dowladda Itoobiya ayaa goor sii horeysay oo xalay ah sheegtay inuu fashilmay isku day Inqilaab ah oo ka dhici rabay Gobolka Amxaarada.

Dilka Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Koox calooshood u shaqeystayaal ah oo weeraray Taliyaha.

Illaa hadda dowladda faah faahin badan kama bixin sida ay wax u dhaceen, balse waxaa la xaqiijiyay xaalad kacsanaan ah inay ka jirto Gobolka Amxaarada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in rasaas laga maqlay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*