Madaxweyne erdogan ayaa codkiisa ka dhiibtey doorashada ku celiska ah ee magaalads istanbul.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan oo ay wehliso Xaaskiisa waxa uu maanta codkiisa ka dhiibtay Doorashadda Ku-celiska ee Duqa magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Istanbul.

Doorashadaasi oo maanta bilaabantay waxaa la filayaa inay in ka badan 10.5 million oo qof  codkooda ka dhiibtaan Doorashadaasi ku-celiska ah.

Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay dadka Reer Istanbul samayn doonaan Doorashadda ugu wanaagsan ee magaalladooda.

Doorashadaasi waxay bilaabantay 8-dii aroornimo ee saakayto xilliga Turkiga, iyadoo 31,242 sanaadiiqda Cod-bixinta la dhigay 39 Degmo ee Istanbul.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*