Abaabul ciidan oo laga dareemayo shabeelah hoose.

Dhaq dhaqaaq Ciidan ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kaasi oo ay wadaan Ciidamada Militariga Somaliya.

Ciidanka Militariga ayaa wixii ka dambeeyay markii ay qabsadeen deegaanka Bariire oo Shabaab ay kala wareegeen waxa ay wadeen abaabul & dhaq dhaqaaq ku aadan inay horay usii socdaan.

Wararka laga helaayo Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay saaka dhaq dhaqaaq ka wadaan dhulka beeraha ah ee u dhaxeeya Bariire & No.50.

Dhulkaasi ayaa la sheegay inay ka baadigoobayaan xubno ka tirsan Shabaab, sidoo kalena wadada laamiga ah ay ka saarayaan Miinooyin Shabaab ay galiyeen.

Taliyaha Ciidamada Lugta Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, ayaa Warbaahinta u sheegay Ciidamada Xoogga dalka Somaliya inay sii socon doonaan illaa ay ka gaari doonaan deeganada fog ee Shabaab ay joogaan.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa garab Militari oo buuxa ka helaya Ciidamada Amisom ee hawlgalka u jooga Somaliya.

Ciidamada isku dhafka Magaalada Gaalkacyo ayaa xaalad xasilooni ah galiyay Magaaladaasi, tan iyo wixii ka dambeeyay markii la aas-aasay Ciidankaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*