Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo maanta furmaya

muqdisho Maanta oo isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 1-bisha April ee sanadka 2019,ayaa lagu wadaa inuu furmo kalfadhiga Shanaad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga shanaad ee Golaha Aqalka sare oo hadda ka socota xarunta Golaha ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Wakiilo ka kala socda Beesha caalamka iyo Maamul Goboleedyada,Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadad Soomaaliya.

Furitaanka muanaasabada ayaa waxaa lagu wadaa inuu Khudbad ka jeediyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku aadan waxqabadka Golaha Aqalka sare iyo howlaha horyaala ee muhiim ay tahay iney hor tebin ay siiyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*