Deni Oo La Dardaarmay Ciidan Loo Soo Xiray Tababar

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa kormeer ku tagay xero ay magaalada Boosaaso ka dagan yihiin Ciidamada Badda maamulkaasi ee loo yaqaan PMPF iyo dekeda Magaaladaasi.

Ciidamada ilaalada xeebaha Dowlad goboleedka Puntland iyo maamulka Dekedda Boosaaso waxaa gacanta ku haysa dowladda Imaaraadka Carabta.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta Iskutaga Imaaraadka Carabta taageerada kal duwan ee ay siiyan maamulkiisa.

Dhanka kale waxa uu ku  ku amaanay Ciidamada Badda Puntland ee PMPF, sida ay uga faa’iideysteen tababarada ay siiyaan saraakisha ,wuxuuna kula dardaarmay in ay kordhiyaan howlgallada ay ku difacayaan xeebaha maamulkaasi.

Madaxweyne Deni oo maalmihii dambe booqasho ku marayay gobolka Bari ayaa soo gaaray Boosaaso, kana ka bilaabay kulamo gaar gaar ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*